Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey & dadkii watay oo gacanta lagu dhigay

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee ahlu sunna ayaa gacanta ku dhigay gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo la damacsanaa in qarax looga geysto degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha amaanka ee degmada Guriceel ayaa sheegay in gaarigaasi ay saarnaayeen waxyabo baaruud ah oo loo maleynayo in la doonayay in qaraxyo lagu geysto.

Ma jiro masuul ka tirsan dhanka maamulka degmada Guriceel oo arimahaasi ka hadlay, laakiin waxay sheegeen inay sharaxaad saxaafada ka siin doonaan markii baaritaanka uu soo dhamaado.

Dhanka kale wararka la helayo aya sheegay in gaarigaasi ay saarnaayeen dhalinyaro, sidoo kalana magaalada laga qabtay dad kale oo looga shakiyay inay gaariga xiriir la leeyihiin oo ay hagayeen.

Tirada dhalinyarada la qabtay ayaa lagu sheegay inay gaareyso ku dhawaad 5 ruux kuwaasi oo qaarkood saarnaa gariga la qabtay.

Gaarigaasi ayaa laga qabtay koontaroolka laga galo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana la ogeyn cidda loo qorsheynayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Galgaduud

Caasimada@live.com