Hadalkii Xasan ee kadib weerarkii Villa Soomaaliya oo su’aalo dhaliyey iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Durbaba waxaa soo baxaaya dhaliilo xoogan oo loo jeedinaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, qaabka uu kaga hadlay weerarkii lagu galay Madaxtooyada.

Siyaasiga Maxamuud Abshir Faarax, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay khudbada Madaxweynaha, wuxuu u hadlay buu yiri nin aan xanuun gaarin oo kale.

Maxamuud Abshir, ayaa Madaxweynaha Somaliya ku dhaliilay dhoola cadaynta iyo qosolka ay kaga baratay bulshada, wuxuuna intaa ku daray inaan la joogin xilli uu qosol Madaxweynuhu kaga fal celin karo, weerarkii Madaxtooyada.

Sidoo kale wuxuu sheegay ugu yaraan in Madaxweynaha looga baahnaa in uu isaga aamuso dhacdadaan, haddii kalana ay ahayd in uu si adag kaga hadlo.

Shabakadaha ay ku wada xiriirto bulshada, ayaa waxaad ku arkeysaa sida ay bulshada ugu cuntami la’dahay khudbada Madaxweynaha Somaliya, saacado kadib weerarkii Madaxtooyada.

Bulshadu waxay khudbada Madaxweynuhu u fasiraneysaa mid aan macno badan ku fadhin, haddii aanu dareen xasaasi ah ka muujin weerarka markii labaad lagu galay Madaxtooyada Muqdisho.

Weerarkaan, ayaa ahaa mid si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay walaac xoogan ka muujisay bulshada reer Muqdisho.

Halkan ka daawo Khudbada Madaxweynaha

Isha: Dhacdo.com

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com