Xildhibaan Baarlamanka Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu dhex dilay gurigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saaka laga helayo Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaa lagu dilay Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa Kaas oo lagu Magacaabi jiray Cumar Yuusuf Bagadi .

Dilka Xildhibaanka ayaa waxaa geestay rag bastoolado ku hubeysan oo Guriga ugu Galay kuna soo dhex dilay ka dibna waa ay baxsadeen Ragii Dilka Fuliyay Xaafadiisa oo ku taalaa agagaarka Aargada.

Dad ehelkiisa ah oo aanu la hadalnay ayaa waxaa ay Xaqiijiyeen Geerida Marxuumka waxaana lagu soo waramayaa Hada in Gurigiisa ay Gaareen Ciidamada amaanka Degmada wada jir kuwaas oo Nawaaxiga Xaafadaas Xiray Baaritaano ayayna Halkaa ka wadaan.

Waxaa socota Qaban qaabada Aas loo sameynayo Marxuumka Xildhibaano hore ayaana Gaaray Guriga Marxuumka .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com