Faah-faahin ku saabsan dagaal xooggan oo dhex-maray ciidamada Danab iyo maleeshiyo beeleed

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dhex-maray ciidamada Danab iyo maleeshiyo beeleed gadoodsan.

Ugu yaraan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dad ku dhow 10 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo ilo-caafimaad.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dagaalka uu billowday kadib markii maleeshiyo beeleedka ay ka carroodeen nin ganacsade ku beel ah, oo ciidamada Danab ay gurigiisa kala baxeen habeen hore.

Maleeshiyo beeleedka gadoodsan ayaa kadib waxay saaka hareereeyeen xarunta ay ciidamada Danab ku leeyihiin magaalada, waxaana kadib saacado ay is hor-fadhiyeen billowday dagaal dhex-maray.

Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidanka Danab iyo maleeshiyada, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda ay iminka degan tahay.

Ciidamada Danab ayaa bilihii dhowaa kordhiyey joogitaankooda iyo howl-gallada ay ka fuliyaan gobolka Mudug, halkaasi oo dad badan laga soo xiray kadib markii guryahooda loogu galay.

Ninka ganacsadaha ah ee laga xiray Koonfurta Gaalkacyo ayaan la ogeyn sababta loo xiray iyo tuhunka soo galay.