Xiisadda NILE: Masar oo aqbashay qorshe ay soo jeediyeen Itoobiya iyo Sudan

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u billowdo wada-hadalladii kala dhaxeeyey Sudan iyo Ethiopia ee ku saabsanaa muranka ka dhashay buuxinta biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameyneyso webiga Nile.

“Masar mar walba diyaar ayey u tahay inay wada-xaajood la gasho dhinacyada, kana qeyb qaadato kulamada soo socda…si loo gaaro heshiis buuxa oo dheelli-tiran islamarkaana caddaalad ah,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku tiri in heshiiska uu tixgelin doono “danaha biyo ee Masar, si la mid ah kuwa Itoobiya iyo Sudan”.

Mowqfika Qaahira ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok uu Khamiistii kulan online ah la yeeshay dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed, si heshiis loo raadiyo.

Kulanka ayaa yimid kadib markii Addis-Ababa ay horey u sheegtay inaysan dib u dhigi doonin buuxinta biyo-xireenka, kaasi oo dhismihiisa ay billowday 2011.

Bishii April, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” taasi oo muddo laba sano gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xireenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter.

Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xireenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaara.

Wada-hadallada Hamdok iyo Abiy ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey kadib dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Masar iyo Itoobiya, kaasi oo gaaray Golaha Ammaanka QM.

Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xireenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xiran tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yiri warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May.

Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye.

“Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xireenka,” ayuu yiri Gedu.

Masar ayaa dooneysa in Ethiopya ay taageerto heshiis qabyo qoraal ah oo kasoo baxay wada-hadalladii horraantii sanadkan ay fududeysay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo arrintan soo faro-gelisay kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu cadaadis saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay xulufo yihiin.

Hase yeeshee, Ethiopia ayaa ka baaqatay wareeggii ugu dambeeyey wada-hadallada, waxayna beenisay in wax heshiis ah lagu gaaray.

Warqadda hadallada kulul lagu qoray ee Masar ay u dirtay Golaha Ammaanka ayaa sare u qaaday suurta-galnimada dagaal ka dhasha is-mari-waagan oo dhex mara labada dal.