SOMALILAND oo shaacisay kiisaskii ugu badnaa oo ah cudurka CORONAVIRUS

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay Kiisaskii ugu badnaa ee cudurka Coronavirus oo hal maalin ah, xili ay dadweynaha deegaanadeedu si weyn ugu dabaal dagayaan Ciidul-Fidrida.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay inay soo kordheen 24-kii saac ee u dambeeyay 37-Kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ahaa 110-qof oo laga baaray cudurkaasi.

Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in cudurkaasi u geeriyoodeen Saddex ruux, midaasi oo noqoneysa tiradii ugu badneyd oo uu hal maalin cudurkaasi ku dilo gudaha Somaliland.

Dadka laga helay maanta cudurkaasi ayaa lagu sheegay inay yihiin 21-Rag ah iyo 16-Dumar ah, kuwaasi oo dhamaantoodna ay ku sugan-yihiin Magaalada Hargeysa, isla markaana aan wax safar ah galin muddooyinkii dambe.

Tirada guud ee cudurka Coronaha ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 168-kiis, iyada oo ay cudurkaasi ka bogsadeen 18-ruux, halka ay u geeriyoodeen 14-ruux, ilaa inta la ogyahay.

Cudurka Coronavirus ayaa u muuqda mid si weyn ugu sii fidaya gudaha Somaliland, iyada oo ay weli furan yihiin goobihii ay iskugu imanayeen bulshadu, isla markaana si wada-jir ah ugu dabaal dagayey dadweynuhu farxada maalmaha ciida oo lagu gudo jiro.