Soomaaliya iyo dunida kale ee Islaamka oo ciidan ku kala qeyb samay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii labaad ayaa si weyn looga ciidayaa Soomaaliya, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa ku kala horeeya ciidan.

Dad badan oo Sabtidii shalay Soomay ayey maanta u tahay maalintii koowaad ee ciidul-fitriga, halka dad kalena ay u tahay maalintodii labaad.

Meelaha ugu badan oo maanta dadka ku nool ay u tahay maalintii koowaad ee ciida waxaa ka mid ah inta badan deegaanada maamulka Galmudug, sidoo kale qaar badan oo ka mid dadka reer Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada kale ee dalka ayey maanta u tahay maalintintoodii koowaad ee Ciidul-fitriga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeen ka hor xilli saq-dhexe ah ku dhawaaqday in Sabtida la ciidayo, kadib markii lala xariiray dad sheegay inay arkeen bilashada bisha Shawaal, taasi waxay dhalisay in dadka Soomaaliyeed bar ka mid ah ay ku adkeystaan inay shalay Soomaan maanta oo Axad ahna ciidaan, sida ka dhacday inta badan dunida Islaamka.

Muslimiin badan oo ku nool Bariga iyo Galbeedka Afrika ayaa shalay oogay munaasabadda ciidul fitriga, kuwaas oo ay ku jirto Soomaaliya.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxreyn, Kuwait, DJibuuti iyo kuwo kale ayey maanta u tahay maalintoodii koowaad ee Ciida.

Soomaaliya iyo Ehiopia ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga ciiday Sabtidii shalay, sidoo kale dalka Kenya ayey ku kala qeybsameen dadku ciidan, waxaana Sabtidii ciiday qeyb ka mid ah muslimiinta Kenya, halka inta kale ay maanta ciidayaan.

Dalalka galbeedka Afrika ee shalay laga ciiday waxaa ka mid ah Mali, Niger, Ivory Coast iyo dalka Muritania.

Sidoo kale Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan gobollada Minnesota, Ohio, Washington iyo Main ayaa intooda badan Sabtidii shalay ciiday, kadib markii qaar ka mid ah culimada gobolladaas ay ciida ku dhawaaqeen.