Faah-faahin ku saabsan dil maanta ka dhacay agagaarka Masjid ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhoweyd ay koox hubeysan gudaha degmada ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda dilka geysatay oo ku hubeysneyd bistoolado ayaa waxay toogteen Ninkaas oo lagu magacaabi jiray Cumar Idiris, xilli uu sii galayay Masaajid ku yaala agagaarka Saldhiga degmada Yaaqshid.

Cumar Idiris oo lagu soo waramayo inuu ahaa nin da’ah, ayaa waxaa si weyn looga yaqaanay degmada oo uu saldhigeeda ka shaqeeynayay sanado badan, isagoona ka ahaa OBI qoraha saldhiga degmada.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaan, islamarkaana ilaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas.

Dilalka qosheysan ee noocan ah oo maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdisho, ayaa waxaa inta badan fuliya dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag kala dhaxeeyo dowladda iyo ciidamadeeda.