Xog: Saddex qodob oo ay suurta-gal tahay in heshiiska doorashada laga beddelo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo gaaraan Muqdisho, ayada oo uu ka furmayo shir ay la yeelanayaan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan arrimaha doorashada.

Shirkan ayaa la qorsheeyey inuu furmo maalinta berri ah, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu dib u dhici karo illaa maalinta Isniinta ah, maadaama madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay dalka ka maqan yihiin.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, shirka ayaa la laga yaabaa in wax looga beddelo qaar ka mid qodobadii lagu heshiiyey 27-ka May, inkasta oo ay taasi ku xirnaan doonto sida ay madaxda iskula ogaaldaan, waxaana qodobadaas ka mid ah:

1- Jadwalka doorashada: Waxaa la filayaa in lasoo saaro jadwal doorasho oo cusub, maadaama ay caddahay inuusan hirgeli karin jadwalkii hore oo dhigayey in doorashada ay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, oo kasoo billaabaneysa 27-ka May. Waxaa hadda baxday 30 ka mid ah, ayada oo aanay dhicin wax la taaban karo, marka laga reebo magacaabista guddiyada doorashada.

2- Tirada ergooyinka: Waxaa socda dadaallo la doonayo in tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada oo lagu soo kobo 61, halka ay markii hore lagu heshiiyey 101, si loo fududeeyo in doorashada ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, loona yareeyo qarashka ku baxaya.

3- Deegaan doorashada: Qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa kamid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo la filayo in laga dhigo hal goob halka markii hore lagu heshiiyey in laga dhigo laba magaalo halkii maamulba. Qodobkan ayaa waxaa u ololeynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe oo doonaya in kuraasta HirShabelle iyo Jubaland kaliya la dhigo Jowhar iyo Kismaayo. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Lama ogo sida ay ku suurta geli karto in wax laga badalo heshiiskii 27-ka, waxayna ku xiran tahay sida uu ra’iisul wasaare Rooble u taageero, si gaar ah qodobada 2 iyo 3, oo ah kuwa xasaasi ah.