Faah-Faahin dheeri ah oo ku saabsan wixii xalay ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) Faah-faahin ayaa laga helayaa madaafiic xaley fiidkii lagu garaacay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay in ka badan waa ay ku dhaawacmeen madaafiicdaas habeenkii xaley laga maqlay magaalada gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Makah Al-Mukaramah.

Markii madaafiicda la maqlay dadka ayaa kala cararay kuwaasoo ka caweenayay waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ma cadda, cidda magaalada madaafiicda ku soo tuurtay, balse ma ahan wax ugub ah in madaafiic laga maqlo magaalada oo hadda ka roon xagga ammaanka xilliyadii horre.

Ciidamada ammaanka ayaa markii madaafiicda la soo tuuray waxa ay adkeeyeen ammaanka iyagoona lagu arkayay isgoyskasta sidda uu sheegay wariyaha  Caasimada Online ee Muqdisho.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan, waxaana caadi isku socodka dadka iyo gaadidka, mana jirto wax saameeyn ah oo ay ku yeesheen madaafiicdaas.

Ma jirto cid ka hadashay madaafiicda xaley lagu garacaay magaalada oo ay joogaan ciidamo fara badan oo isugi jirra AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com