Bannaanbax looga cabanaayo kooxo burcad ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa maanta bannaanbax ka dhigay halkaas, iyagoona ka cabanaya kooxo burcad ah oo lacago  baad ah ka qaada.

Waxa ay xireen dhammaan mehradahooda ay ku lee yihiin suuqa, iyagoona sheegay ilaa inta wax laga qabanaayo in aysan furi doonin.

Mid ka mid ah ganacsatada bannaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalin kasta laga qaado lacago  baad ah oo aan tabartooda ahayn “Haddii dalka ay dowlad ka jirto hanala qabto dhibaatooyinkan nalagu hayo” ayuu yiri ganacsadahan.

Wuxuu sheegay oo kale in dhaca ka sakow loo geesto dhibaatooyin ganacsatada ku dhaqan suuqa Bakaaraha.

Wuxuu ganacsadahan ugu baaqay maamulka degmada Howlwadaag in ay wax ka qabtaan ciidamadaas oo haddii ay dowladda ka tirsan yihiin tallaabo laga qaadi haddii kale la sheego.

Bannaanbaxa maanta ka dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo koox hubeysan ay dharaar cad ah xarunta ganacsiga Sava Group ay ka dhaceen lacag kor u dhaafeysa 50 kun oo dollar mana jirto cid wax ka qabatay dhibaatadaas iyo kuwa kale oo horrey suuqa uga dhacay.

Caasiamda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com