Daawo Sawirro cajiib ah: TURKIGA oo dib u qurxinaya masjidka Is-baheysiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Somalia, ayaa kormeeray masjidka weyn ee Isbaheysiga, magaalada Muqdisho, oo hadda dib loo dayac tirayo.

Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa markii uu tagay masjidka weyn ee Isbaheysiga, wuxuu u mahad celiyay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Turkiga iyo dowladda hoose ee dalkaasi, oo masjidka dhisaya.

Masjidka weyn ee Isbaheysiga ayaa xilligaan waxaa ka socda howlo dayac tir ah oo ay wadaan shaqaalo Turkish ah iyo qaar Soomaali ah.

“Waxaan ballan qaadeynaa wixii kaalmo iyo xanaaneyn ah in aan u taagan nahay”, ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo Sawirrada dhismaha masjidka

Isbaheysi 1Isbaheysi 10Isbaheysi 3Isbaheysi 3Isbaheysi 4Isbaheysi 5Isbaheysi 6Isbaheysi 7Isbaheysi 8Isbaheysi 9

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com