Somaliland oo mamnuucday Universal

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay xireen xafiiska talafishanka af-Soomaaliga ku hadla ee Universal, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu aflagaado u geestay madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in guud ahaan Somaliland laga mamnuucay talafishanka Universal, kaddib markii uu dhawaan baahiyay barnaamij Majaajilo ah oo lagu aflagaadeenayay madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in maxkamad ay la tiigsan doonaan talafishankaas oo aaney intaas uga hari doonin sidda uu hadalka u dhigay.

Tv-ga ayuu ku eedeeyay in uu gaf iyo meel kadhac ku sameeyey madaxweynaha Somaliland oo uu dacaayad raqiis ah ka abuuray.

Wuxuu ku eedeeyay talishanka Talafishanka Universal in ay la wareegtay dowladda oo xafiis uu uga sameeyay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Mulkiilaha talafishanka Universal Injineer Axmed Abuukar oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa arrintaas cambaareeyay, wuxuuna sheegay in tallaabada Somaliland ay qaaday uu ka hor imaanayo xuriyada hadalka.

Wuxuu beeniyay in wax xafiin dowladda aaney uga dhisin magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay barnaamijka ka baxay Talafishan ee la yiraahdo Faaliyaha Qaranka in aanu ahayd mid sisaasadeesan balse uu yahay mid maad oo aan cidna loola jeedin.

Caaskimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com