P/Land oo soo bandhigtay mas’uuliyiin ka soo goostay Somaliland + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta oo Isniin ah lagu soo bandhigay labo xubnood oo ka soo jeeda maamulka Somaliland kuwaasoo ka soo goostay dhinaca gobalka Sool.

Labadan mas’uul oo lagu kala magacaabo Cabdalle Digaale iyo Mukhtaar Mahad Cawad ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen golaha deeganka magaalada Laasacaanood.

Waxaa soo dhaweyntooda ka qayb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ay ku jiraan wasiiro kuwaasoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin ragga ka soo goostay dhinaca Somaliland.

Labada mas’uul ee ka soo goostay dhinaca Somaliland oo la hadlay saxaafadda ayaa ugu horreyn sheegay in ay soo dhaweenayaan qaabka loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe iyo in ay ku faraxsan yihiin dhowr sanno kaddib in ay yimaadaan magaalada.

Waxa ay ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan maamulka hadda jirra ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo in ay kor u qaadi doonaan horrumarka Puntland.

Dhawaan ayaa magaalada Garoowe tagay labo madaxweyne oo ka tirsanaa maamulka Khaatumo kuwaasoo hadda xilal ka haya wasiirada maamlka cusub ee Puntland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Soomaaliland oo ku aadan mas’uuliyiinta la sheegay in ay ka soo goosteen.

1-
4-Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com