Amisom oo shaaca ka qaaday cidda ka dambeysa in ciidamada Kenyanka laga wareejiyo magaalada KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Howl galka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya in Ciidamada Kenya laga bedeli doono Kismaayo, isla markaana laga wareejin doono mas’uuliyada amniga magaalada.

waxa uu sheegay in qorshahan uu dabo yaallo codsi horey ay Dowladda Somalia ugu gudbisay Midowga Africa, oo ahaa in Kenya laga wareejiyo Kismaayo.

Wareysi uu siiyaya laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu Col, Cali Aada Xumad ku xaqiijiyay in Ciidamada Kenya laga saari doono magaalada,  balse aanay ka bixi doonin dalada AMISOM, hase ahaatee la sameeyay dib u habeyn xaga ciidanka qorshihiisa ah.

“Ciidamada Kenya kama baxayaan AMISOM dib u habeyn xaga ciidanka qorshihiisa ayaa socda, Kismaayo ayaa laga saari doonaa kaliya, waxaa lagu wareejinayaa Ciidamada Sierra Leone iyo ciidamada Brundi, laakiin waxaa jiri doona qeyb yar oo la howl geli doona Kenyan ah”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa intaa ku daray in Ciidamada Kenya kaliya laga bedelay hogaanka qeybtii afaraad, isagoo xusay in qeybta Kismaayo labo loo qeybiyay oo kala ah Sierra Leone iyo Brundi sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay sababta keentay in is bedelada ay dhacaan ayuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku soo biireen howl galka AMISOM, isla markaana ciidamada la wareegeen qeybta Baydhabo oo ah qeybta saddexaad, isagoo tilmaamay in Ciidamada Uganda iyo kuwa Brundi ay kala wareegeen qeybtaas.

“Waxaa keenay is bedeladaas inay dhacaan waxaa ka dambeysay ciidanka Itoobiya oo Mas’uuliyada AMISOM soo hoos galay qeyb ayuu ka qaaday doonaa, waxayna hogaanka u heynayaan qeybta saddexaad, qeybta koowaad waa Muqdisho, qeybta labaad waa Labada Shabelle oo Ciidamada Brundi iyo Uganda ay hogaanka heynayaan, qeybta afaraad waa tan Hiiraan”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM.

Col. Xumad ayaa sheegay in kaliya Mas’uuliyadaha la qeybsaday, isla markaana howlaha ay bilaabanayaan, waxaana uu cadeeyay in Ciidamada Brundi ay qeyb qeyb u tagi doonaan magaalada Kismaayo.

Go’aanka lagu bedelay Ciidamada Kenya qeybtii ay hogaanka u hayeen magaalada Kismaayo ayaa ka dambeysay qoraal dowladda Soomaaliya u qortay sanadkii hore Midowga Afrika, kaasoo ku aadanaa in Ciidamada Kenya aysan dhex dhexaad ka aheyn, isla markaana dhinac gaar ah la safatay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo dowladda dalbatay in ciidan isku dhaf ah la geeyo.

Isha Jowhar.com