Madaafiic habenkii 2aad lagu garaacay Muqdisho, waddooyinka qaar oo xiran, Bandow jira iyo xaaladda oo kacsan

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow degmooyinka magaalada Muqdisho laga maqlay madaafiic iyo rasaas xooggan oo ku soo dhacaya xaafadaha qaar.

Degmooyinka laga maqlay madaafiicda waxaa ka mid ah Boondheere, Dharkeenley,Wadajir, Xamarweyne, Xamar iyo Jajab.

Madaafiicda qaar ayaa la sheegay in ay geesteen khasaaro, waxaana caawa marka loo eego habeenkii xaley ay ka badalntay madaafiicda.

“Annigoo ku sugan Macmacaanka oo ka tirsan degmada Dharkenley ayaa waxaa hal mar maqalnay qarax ka dhacay xaafada Tabakaayo Madow, kaddib xabado ayaa is qabsatay waddadawaan cararnay, ma arkin cid wax ku noqotay goobta balse waxa ay ahayd meel aad mashquul u ah oo qaad ayaa lagu iibiyaa” ayuu yiri goobjooge noo warramay.

Sidoo kale waxaa xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sidda Makah Al-Mukaram oo xaley fiidkii ay ku dhaceen madaafiic xooggan oo khasaaro geestay.

Ciidamada dowladda ilaa hadda kama hadlin madaafiicdan xooggan oo habeenkii labaad lagu garacaayo magaalada Muqdisho.

Arrimahan maxay salka ku hayaan?

Ilo Wareedyo lagu kal soonaan karo ayaa noo sheegay in arrimahan ammaan darada ee ka soo cusboonaaday magaalada ay ka dambeeyaan markii taliyaha ciidamada xooga uu isbadal ku sameeyay taliyaal iyo saraakiil ciidan kuwaasoo ku sugnaa qaybo kamid ah degmooyinka laga maqlaayo madaafiicda iyo rasaasta.

Waxaa ciidamada la ruqseeyay ka mid ahaa ciidamo dhowr guuto ka koobnaa oo ku sugnaa Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenleey kuwaasoo seddax habeen ka hor baneeyay saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com