Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe oo shaaca ka qaaday dhismaha maamul goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacay kulan ballaaran oo looga arrisanayay maamul cusub oo loo sameenaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal, waxaana ay goobta ka sheegeen in ay diyaar u yihiin siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa labada Shabeelle.

Siddo kale, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa guddoomiyaasha Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo Cabdi Jiinow Calasow.

Xildhibaannada kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Cumar Maxamed Maxamuud Finish, Maxamed Cumar Dalxa,Maxamed Dalxa, Daahir Amiin Jeesow iyo Xubno kale.

Cumar Finish oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay haddii ay yihiin xildhibannada ka soo jeeda labadan gobal in ay taageersan yihiin qorshaha ay soo jeediyeen dadka ku dhaqan labada Shabeelle iyo maamulkooda.

Wuxuu sheegay in markii horre la isku keenay in lix gobal la dhiso ama seddax gobal oo ay ku jiraan Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Gobalka Banaadir.

Mar uu ka hadlaayay ergooyinka uga qaybgali doono dhismaha maamulka cusub, wuxuu sheegay in labada gobal laga rabo 400 xubnood “Marka isku geyn waxaa laga rabaa in labada gobal ay keenaan 800 oo ergo”ayuu yiri.

Wuxuu caddeeyay shacabka ku dhaqan labada Gobal in ay isku raaceen in la dhiso maamul ay ku mideesan yihiin sidda uu yiri.

Dhammaan xildhibaannada kale iyo dadka ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay arkaan dadka ku dhaqan labada gobal oo dhisanaya maamul ay ku mideesan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com