Magaalada MUQDISHO oo uu caawa ka socdo kulan xasaasi ah oo looga…!

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu ka socdo kulan looga hadlaayo arrimaha ammaanka, gaar ahaan madaafiic iyo qaraxyo xaley iyo caawa laga maqlay degmooyinka qaar.

Kulanka oo ka dhacaya mid ka mid ah xarumaha dowladda waxaa ka qaybgalaya wasiirada arrimaha gudaha, amniga, gaashandhigga, warfaafinta iyo taliyaasha ciidamada dowladda.

Kulanka oo saxaafadda banaanka ka joogto ayaa aad looga hadlayaa wax yaabaha keenay in habeenkii labaad madaafiic laga maqlo magaalada oo ay gacanta ku heyso dowladda.

Wasiirada ayaa warbixino ka qaadanaya saraakiisha ciidamada dowladda, waxaana magaalada meelo ka mid ah ka billowday.

Waxaa la filayaa marka uu soo dhammaado kulanka looga hadlaayo arrimaha ammaanka Muqdisho oo ay lee yihiin saraakiisha ciidamada in saxaafada loo sheego waxyaabaha kulanka looga hadlay.

Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in hey’addaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii falalka ammaan darada ka wada magaalada Muqdisho soona haga madaafiicda caaasimada lagu soo tuuro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com

 

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com