Dad loo qabtay wixii caawa Muqdisho ka dhacay

Muqidsho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in dad loo soo qabqabtay hoobiyaal iyo rasaas habeenkii labaad caawa laga maqlay magaalada Muqidsho.

Afhayeen maamulka Gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf Axmed oo la hadlay Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho  ayaa sheegay in hoobiyaasha ku soo dhacay Muqdisho caawa looga gun lee yahay in dadka loo sheego sawir qaldan oo ah in magaalada aysan ammaan ahayn.

Wuxuu afhayeenka tilmaamay in howgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen goobaha madaafiicda ku soo dhacay laga qabqatay wax uu ugu yeeray kooxo nabad diid ah oo la marin habaabiyay

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada la soo qabtay balse wuxuu caddeeyay qaar badan dadka la soo qabtay in ay caddeeyen in madaafiicda magaalada ku soo tuureen isagoona intaas  in ay hadda ku socdaan baaritaanno.

Hadalka afhayeenka gobalka Banaadir ayaa ku soo beegmay iyadoo habeenkii labaad caawa magaalada Muqdisho ay ku soo dhaceen hoobiyaal kuwaasoo geestay khasaaro naf, balse si dhab ah looma oga inta ay la egtahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com