Nabaddoon caan ahaa oo la dilay !!!!

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dil xaley kooxo hubeysan ay ugu geesatay magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, nabadoon caan ka ahaa halkaas.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdiqaadir Cali Baiile, wuxuu ahaa suldaanka degmada Afgooye sidaas waxaa sheegay xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa waxaa toogtay seddax dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku dishay albaabka horre gurrigiisa oo ku yaalla Afgooye.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana durba gaaray halkaas ciidamada dowladda oo howgallo billaabay.

Ma cadda sababta loo dilay nabadoonkan iyo cidda dishay toona, balse wuxuu ka mid yahay nabadoono siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Soomaaliya sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com