Waa siddee garoonka diyaaradaha Guriceel oo la weerarray?

Guriceel (Caasimada Online) Maamulka degmada Guriceel ayaa ka war bixiyay israsaaseyn socotay muddo kooban oo saakay aroortii garoonka diyaaradaha ee deegmadaas ku dhexmartay ciidamada maamulka iyo maleeshiyo hubaysan.

Guddoomiye degmada Guriceel, Cusmaan Ciise Nuur Taar dhuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda uu hadda ku garoonka isla markaana ay soo qabqabteen dhammaan kooxda soo weerartay sida uu hadalka u dhigay.

Taardhuleed ayaa xusay in ammaanka garoonka uu sugan yahay, in kastoo howlihii garoonka uusan shaqeyneynin.

Diyaaradihii adeegsan jiray garoonka diyaaradaha ee Guriceel ayaa si kumeel gaar ah loogu wareejiyay degmada Caabudwaaq oo hoos-tagta gobalka Galgaduud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com