Weerar caawa lagu qaaday Hotel caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa fiidkii waxa ay bamb gacmeed ku weerareen Hotelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Bambka ayaa la sheegay in uu lagu tuuray goob ay joogeen ciimo ilaaliya hotelka sida uu goobjooge u sheegay Caasimada Online.

Ma cadda khasaaraha ka dashay bambka lagu weeraray Hotelka Saxafi oo ku yaalla goob ay aad u maashu dowladda Soomaaliya.

Weerarka kaddib waxaa ciidamada ay fureen rasaas waxaana ay gacanta ku dhigeen gaari hoomeey ah oo ay la socdeen dhallinyaro, waxaana lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da.

Hotelka Saxafi ayaa ku yaalla goob aad loo waardiyeeyo waxaana ka soo horjeeda xarunta dambi baarista ee CID-da, waxaana deggan hotelka xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com