Guddoomiyaha Maxkamadda Banaadir oo sameeyey qirasho aan laga fileyn

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacay kulan ay yeesheen ururada bulshadda iyo hey’addaha garsoorka dalka, waxaana looga hadlay sababaha keenay in uu si fiican u shaqeen garoonka Soomaaliya.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay dhaliilo badan oo loo jeediyay garsoorka dalka iyo wax yaabaha keenay in uu si fiican u maareeyo dacwadaha loo keeno.

Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa caddeeyay in garsoorka Soomaaliya dhammaan dhaliilaha loo jeediyay ay sax tahay in uu lee yahay.

Wuxuuna sabab uga dhigay daryeel la’aan ku heesata howshooda isagoona tilmaamay in ammaan iyo dhaqaale aysan ku heesan shaqada ay heestaan, waxaana arrintaas nagu dayacay ayuu yiri dowladda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa caddeeyay in ay jiraan kiisas badan oo loo keenay in qaab farsameesan ama si kale loo maareeyay markii dad uu ku sheegay, odayaal, beelo iyo saraakiil dowladda ay maxkamadda ka codsadaan in la joojiyo kiisaaskaas.

Waxaa kaloo guddoomiyaha xusay in maxkamadda gobalka Banaadir la keenay kiis badan oo ku aadan kufsi loo geestay haween iyo carruur yer yer balse awood loo waayay in maxkamadda ay qabto.

Si kastaba, waxaa la isku raacay in dowladda ay wax ka qabato cabashada ay soo jeediyeen heyaddaha garsoorka gobalka Banaadir haddii kale xaaladda dalka uu ka sii dari doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com