Xaaladda Hargeysa oo maanta allow sahal ah (Sidee wax u jiraan?)

Hargeysa (Caasimada Online) War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dibadbaxyo ballaaran ay ka socdaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa ayaa soo sheegay in dibaxyada oo rabshado wata uu ku dhintay qof cadeyle ah oo xabad ay ku dhacday rasaas ay fureen ciidanka booliska.

Goobaha dibadbaxyada ay ka socdaan ayaa ka mid ah xaafadaha October, Maxamed Mooge iyo Calamada waxaana halkaas laga maqlayaa rasaas xooggan.

Dadka dibad baxaya dhigaya ayaa ka careesan biyo la’aan heesatay in muddo ah, waxaana ay maamulka Somaliland ku eedeeyeen in uu ka gaabiyay dadka ku nool xaafadaha Koonfurta Hargeysain ay helaan adeegyada aasaasiga ah sida biyaha.

Xaaladda magaalada Hargeysa ayaa weli kacsan, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas teelteel ah sida uu lee yahay wariyihu.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dibad baxa ka socda magaalada Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com