DEG DEG: Weerar maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada….

Guriceel (Caasimada Online) Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhaawacantay weerar saakay aroortii kooxo hubeysan ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Weerarka ayaa la sheegay in uu yimid markii la isku qabsaday lacag canshuur ah oo laga qaado diyaaradaha qaadka keena, sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ku jiro mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday, halka qof kalena uu ahaa qof garoonka ku sugnaa.

Waxaa istaagay dhmmaan howsha garoonka markii is-rasaaseenta ay billaabatay, waxaana kooxda weerarka soo qaaday ay weli ku sugan gudaha garoonka.

Arrintan ayaa maalmahan soo taagneyd, waxaana ay keentay in garoonka shaley oo dhan uu xayirnaa oo wax duyuurad ah aysan ka soo dagin.

Ma jirto wax waan ah oo hadda socota oo ku aadan in howshii garoonka ay dib u soo laabato, waxaana garoonka ku go’doonsan dad doonayay in aadaan gobalada dalka.

Faah-faahin kala soco wararka soo socda

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com