Kenya oo Madaxweyne Xasan ku bah-dishay Nairobi iyo carro ka dhalatay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaan weli wax sharraxaad ah ka bixin sababtii keentay in garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta lagu cidleeyo madaxweynaha Somalia, xilli uu booqasho rasmi ah ku tagay dalkaas, khamiistii.

Xukuumadda Nairobi, ayaa ku guul darreysatay inay wax saraakiil ah u dirto Xasan Sheekh, markii dalkaas uu u tagay ka qeyb galka shirkii Jimcihii dhex maray madaxda Geeska Africa.

Marka ay waddan ku bixinayaan booqasho rasmi ah, madaxweynayaasha waxaa caadiyan garoonka diyaaradaha ku qaabila madaxweyne, ra’iisul wasaare ama ugu yaraan afhayeenka baarlamanka, hase yeeshee taasi ma dhicin markii Xasan uu cago dhigtay Nairobi, Khamiistii.

xasan affeyWaxaa garoonka ku qaabilay wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Affey iyo safiirka Somalia ee Kenya Maxamed Cali Nuur America iyo wasiir Kenyan ah.

Inkasta oo Affey uu yahay Kenyan, haddana maadaama uu xil u hayo IGAD, ma matali karin Kenya.

Diblomaasiyiinta, ayaa rumeysan in tani ay astaan u tahay sida Kenya iyo Somalia ay usii kala durqayaan, hase yeeshee waxa ay ku doodeen in heerkuu doonaba ha la ekeedo xiriirka labada dhinac’e ay qasab ahayd in Xasan la sharfo.

Dowladaha Kenya iyo Somalia, ayaa horey khilaaafyo ku aaddan gobollada Koonfureed ee Jubbaland ay kala fogeeyeen, ayada oo xukuumadda Muqdisho ay dalbatay in ciidanka Kenya laga beddelo halkaas.

Yaa hadlaya, yaase wax dhageysanaya?
Yaa hadlaya, yaase wax dhageysanaya?

Sawir soo baxay horaantii sanadkan oo Xasan Sheekh iyo Uhurru Kenyatta ah, ayaa muujiyey laba nin oo midba uu hadlayo, oo aanu jirin wax is-dhageysi ah, taasi oo calaamadeysay in labada mas’uulba ay isku dayayeen in hadakooda la maqlo.

Tallaabada Kenya ayaa aad uga carreysiisay Soomaalida, ayada oo baraha Facebook iyo Twitter ay qabsadeen falkii ay ku dhaqaaqday Kenya.

Xasan Sheekh, ma mudna in ciidanka Kenya ay xoog ku joogaan dalkiisa, dowladooduna ay ku sharaf tirto Nairobi, waxaase cad in beesha caalamka ay Somalia gacmaha uga qabatay Kenya, dantii la doonaba ha laga lahaadoe, waayo hadal kasoo baxa Xasan Sheekh oo kaliyay ayaa ku filan in ciidamada Kenya ay ka baxaan Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com