Xaalada Xildhibaan xalay la dhaawacay

Laasacaanood (Caasimada Online) Xaaladda Xildhibaan Cabdi Casiis Xuseen Maxamed ayaa la sheegayaa in ay yara fiican tahay, kaddib markii loola soo cararay isbitaalka magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

Xildhibaanka ayaa xaley salaadii cishaha kaddib kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Laaasacaanood ee gobalka Sool.

Taliyaha ciidamada gobalka Sool Cali Ismaacil Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in isla goobta ay ku qabteen labo nin oo la sheegay in ay wateen bastoolado iyo bambka gacanta laga tuuro.

Taliyaha ayaa sheegay in raggan ay yihiin kuwii ka dambeeyay weerrarka xildhibaanka oo ka tirsan golaha deeganka Somaliland.

Waxa la sheegay in xildhibaanka ay labo xabadood kaga dhaceen madaxa, laakin hadda lala tacaalayo dhaawiciisa.

Waa weerrarkii labaad oo ka dhaca magaalada Laasacaanood tan iyo wixii ka dambeesay markii la qabtay doorashada golayaasha deeganka Somaliland.

Magaalada Laasacaanood ayaa la sheegay in iminka ay ku jirto xaalad aan daganeen oo weli waxa la hadal hayaa weerrarkii xaley lagu qaaday mudanaha ka tirsan xildhibaanada golaha deeganka.

Xildhibaanka xaley la toogtay ayaa waxa uu ka mid ahaan jiray wariyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Laasacaanood.

Waxa uu hadda ahaa xildhibaan ka soo baxay doorashadii golayaasha deeganka , wuxuuna ka tirtsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Xaaladda magaalada Laasacaanood ayaa la sheegay in ay saaka deggantahay, oo dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ayaa caadi ku soo noqday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laasacaanood