27.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Faah Faahin: Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa waxaa qarax lagula eegtay isgoyska fagax ee degmada Yaqshiid gobolkan Banaadir qaraxaan ayaa lasheegay in uu ahaa Bamka Gacanta laga tuuro waxaana la sheegay in lagu weeraray ciidamo oo joogay isgoyskaas.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya  oo fariisin ku leh Isgoyska Fagax isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay  5 ruux oo isugu jira Ciidamo iyo Shacab waxaana jirtay rasaas ay fureen ciidamada qaraxa la la eegtay.

Isgoyska Fagax ayaa ka mid ah Isgoysyada Mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho waxana qaraxa kadib hakad galay isku socodkii dadka iyo Gaadiidka.

Xaalada ayaa ah mid degan oo waxana Goobtii uu qaraxy kadhacay weli ku sugan Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya inkastoo aysan wax war ah ka soobixin Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News