Yaa loo Magacaabi doonaa Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA..?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saddex bilood ayaa laga joogaa inta ay maran tahay jagada muhiimka ah ee Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA, kadib markii xilka laga qaaday taliyihii hore C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ku guuleysan waayey in xilka Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Booliska ay u helaan shaqsiyaad ay ku aamini karaan, waxaase socda musharixiin fara badan oo xilkan daneynaya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay socdaan ololeyaal lagu doonayo in xilkaasi loogu magacaabo xubno ay kala wataan siyaasiyiin iyo xildhibaannada labada gole, waxaana ka mida:

1– Cabdi Jiinow Calasow: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sh/dhexe iyo mareeyihii dekadda Muqdisho. Musharaxan ayaa waxaa wata siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi, waxayna dhowr jeer kulamo kala yeesheen arrintan madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha.

2- C/raxmaan Maxamed Tuuryare: Taliyihii hore ee NISA dowladii uuu hoggaaminayey Xasan Sheekh ayaa ka mida musharixiinta xilka Agaasimaha NISA., waana musharax isaga is wada oo doonaya inuu mar labaad xilkaasi dib u qabto.

3- Maxamed Aadan Koofi: waa agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed, wuxuuna hore uga mid ahaa saraakiisha NISA isagoo soo qabtay xilka taliyaha NISA ee G/Banaadir, waxaana musharaxnimadiisa riixaya xubno ka mida xildhibannada labada aqal.

4- Bashiir Maxamed Jaamac: Wuxuu hadda ka mid yahay la-taliyeyaasha Madaxweyanaha, isagoo xilkan hore u soo qabtay, waxaana la sheegay inuu taageero ka heysto madaxweyne Farmaajo.

Caqabadaha hortaagan magacaabidda xilkan ayaa salka ku haya awood qeybsiga beelaha oo haddii beeshii hore u heysay 4.5 ahaan laga wareejiyo ay saameyn ku yeelaneyso xilal kale, waxaana madaxda sare ee dowladda ay doonayaan inaan xilkan loo magacaabin qof ka mida beelaha Muqdisho.

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com