Xog dheeri ah: Qaraxyo culus oo ka dhacay Lego

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya Qaraxyo xoogan oo lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan qeybta ka howlgasha Degaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa ayaa la soo warinayaa inuu galaaftay nolosha ilaa 5 kamid ah Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM, kuwaasi oo xiliga Qaraxyada lala eeganaayay uu u furnaa irdaha gaadiidka islamarkaana ahaa kuwo haminaayay inay degaan.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa inay ahaayen ilaa Seddex kuwaasi oo lagu kala aasay Seddex dhinac, goortii ay halkaasi gaareena ay dhaceen Qaraxyada.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray ilaa Seddex Askari iyo Seddex shacab ah kuwaasi oo sababsaday firirka kasoo baxay Qaraxyada.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Degaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com