“SHARIIF, INA SHARIIFKEE TAHAY”? (FAALLO)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

“Haduusan aabbahaa Shariif ahaan jirin, dee aniguba Shariif baan ahay”. Su’aashaa waxaa Shariif Xasan weydiiyey Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf. Shariif Xasan markaa wuxu ahaa Guddoomiyaha Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya. Su’aashu waxay salka ku hay’saa sicir-bararka madax-dhaqameedyada Soomaalida.

Dawlad Goboleedka Puntland ee aasaas ahaan ka dhisantay madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka dadweynaha gobollada midoobay, waxay dhaxashay sadex dabaqo ee madax-dhaqameed:

  1. Soo jireen
  2. Dawladdii Siyaad Barre ka abuurran
  3. Gadaal ka abuurran aan joogsi la hayn

Mar hadday door horseednimo ka qaateen aasaaskii dawladda Puntland, waxay noqdeen awood dawladda ka sarreysa, qaarkoodna uba qaatay in dawladdu tahay shaqaale iyaga hoos imaanaya. Waxba kuma jabna taa, marka laga eego in dawladdu tahay adeeggaha dadweynaha. Waxayse arrintu dhib noqoneysaa markii madax-dhaqameedyadu soo farageliyaan hawl-maalmeedka iyo awoodda dastuuriga ah ee Dawladda, sida ka dhacday Puntland sanaddadii 2000-2001.

Waagaa, Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa fara-marooqsaday curadnimada madax-dhaqameed ee Harti, isagoo u maraya saldhiggiisa Garowe ee ah Magaalo-madaxda Dawladda Puntland. Islaan Maxamed, markaa wuxu qaatay doorka Ayatullaha Puntland. Madaxweynaha Dawladdu, si joogta ah ayuu guriga Islaanka u soo booqan jirey, la tashi iyo salaanba. Xiriirkaa dhaw ee laba mas’uul , wuxu ku dambeeyey in Madaxweynihii Dawladda madaxnimada laga eryo.

Boqor Maxamuud Boor Muuse iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, labaduba waa ka curadsanyihiin Islaan Maxammed Islaan Muuse, marka laga eego Saldanada Majeerteen.

Boqor Maxammud wuxu ahaa nin ahlu diin ah, oo inuu duceeyo mooyee, wax kale aan danayn. Yeelkeede, waagaa sharkii waxaa u qaaday ninka maroorsaday wakiilnimada Boqorka, Cabdullaahi Boqor Muuse “King Kong”,deedna isagu Boqorkii noqday. Islaan Bashiir waa nin dhawrsan, afgaaban, siyaasaddana iska ururiya, marar badanna diiday in isaga siyaasad loo adeegsado.

Waxa iyana jirey madax-dhaqameedyo kale oo aan tiro yarayn, curadna ah, door weyna ka soo qaatay guullihii Puntland.

Dhibta madax-dhaqameedyadu waxay mar kale dawladda qabsatay, markii soo jeedin la dhex-keenay Golaha Wasiirrada in gunno loo qoondeeyo Isimada Puntland. Wasiirkii Arrimaha Gudaha, oo markaa ahaa Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ku adkaystay in A, B, C daraja ah loo qoondeeyo gunnada madax-dhaqameedyada, taa oo la isku mariwaayey, go’aankeedana Madaxtooyada Puntland loo daayey. Madaxtooyada uma cuntamin soo jeedinta Wasiir Xaabsade ee A, B, C-da. Saf-balaaran ayey arrintii ku dambeysay.

Waxaa ka soo qaybgalay shirkii Imbagathi ee Kenya 2002-2004, Dhowr Madax-dhqan oo  Beesha Mareexaan ah, kuwaa oo Ugaaska Guud ee beeshu, Ugaas Cumar, ka carooday, Shirkiina uga kacay. Waxaa loo saaray madax-dhqameedyo uu hoggaaminayo Garaad Saleemaanka Maxamuud Garaad/Dhulbahante, si ay u soo caro-celiyaan Ugaas Cumar. Ugaas Cumar waxa lagu yiri: “Waxaad tahay, Ugaas, soojireen ah. Waagii Siyaad Barre faragelinayey dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo magaccaabi jirey madax-dhaqameedyo beeleed, waad ka aamustay. Kama aad celin Siyaad Barre, kamana aadan talin khatarta ay faragelintaa uleedahay dhaqanka Soomaaliyeed. Annagu, kuwii uu noo magacaabey Siyaad Barre, ayaan iska qaadanay. Ugaas, adiguna tan aqbal”.

Qore: Ismaaciil X. Warsame
E-mail: ismailwarsame@gmail.com
Twitter: @ismailwarsame

Ismaaciil Xaaji Warsame waa qoraa ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomalida, waxaanu ka mid ahaa aasaasayaashii dawlad goboleedka Puntland, isagoo islamarkaana ahaa agaasimaihii madaxtooyada Puntland intii u dhexeysay 1998-2004. 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com