Sawirro: Xubnihii ugu sareeyay Qaswadayaasha Somalia ee Nairobi oo is hor fadhiistay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta Madaxtooyada Puntland kulan gaar ah ku qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cumar Camey, xubno ka kala tirsan labada gole ee maamulka iyo Labo wafdi oo ay kala hogaaminayaan Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geeddi iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Mas’uuliyiintaani kulanka isku arkay ayaa kala xog qaatay waxa ayna soo dhaweyn iyo wada sheekeysi kadib kawada hadleen xaalada dalka uu ku jiro iyo kaalinta kaga aadan isbedelka Siyaasada dalka.

Madaxweynaha maamulka Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in socdaalka mas’uuliyiintaani uu yahay mid ku qotoma furitaanka Garoonka Caalamiha ah ee diyaaradaha ee Boosaaso oo qabsoomi doonta 08-Jan-2016 ayaa kasoo kala kicitimay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Cabdiweli Gaas waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada hadlo masiirka dalka iyo tan umadda Soomaaliyeed, islamarkaana socdaalka mas’uuliyiinta uu qeyb ka yahay in dalka lagu hago wadada ay u arkaan in munaasab uu u yahay.

Gaas waxa uu sheegay in labada Ra’isul wasaare Hore ay muddo kusii nagaan doonaan magaalada Garoowe islamarkaana ay si gaar ah uga arrinsan doonaan xaalada dalka iyo Shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa ugu badnaa arrimaha dalka oo ay ugu horeyso Doorashooyinka la filaayo inay ka dhacdo sanada 2016-ka.

Maamulka Puntland oo si hordhac ah u qaabilay Wafdiga ayaa ka gaabsaday inuu kusii fogaado Ujeedka wafdiga, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in arrinka uu yahay mid ka fog furitaanka Garoonka.

Cabdiwali Gaas, Cali maxamed Geedi iyo C/raxmaan Baadiyow ayaa horay ugu mideysnaan jiray Urur loogu wanqalay ”Ururka Qaswadayaasha Somalia” oo ka aasaasnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasi oo la dhisay goortii la doortay madaxweyne Xassan Sheekh.

Qaswadayaasha ayaa waxaa iminka kusoo biiray xubno uu kamid yahay Ra’isul wasaarihii hore Cabdi wali Sheekh Axmed iyo Tirro kale kuwaasi oo madaxweynaha Puntland garab ku siinaaya ololaha uu kaga soo horjeedo Dowlada Xassan Sheekh.
1

2

3

4

5

6

7

8