Faah-faahino kasoo baxaya KHASAARAHA ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex – degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaas oo la soo werinayo inuu geystay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey hal qof aya ku dhaawacmay qaraxaas, halka warar soo baxaya ay sheegayaan inay jirto dhimasho, inkastoo aan weli laga helin faahfaahin rasmi ah.

Qaraxa oo haleelay gaari Surf ah ayaa warar kala duwan waxay ka soo baxayaan nooca uu ahaa, waxaana weli la kala xaqiijin inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda iyo in gaari lagu xiray.

Qofka dhaawacmay ayaa ahaa ninkii waday gaariga qaraxu haleelay, waxaana la sheegay in asgoo dhaawac culus ah isbitaal loola cararay.

Dhinaca kale, waxaa jira qaraxyo dhowr ah oo la sheegay in ciidamada ammaanka ay caawa qabteen lana qarxiyey, iyaga oo aan geysan wax khasaare ah, inkastoo faahfahin rasmi ah oo ku aadan aysan ka soo bixin hey’adaha ammaanka.

Jugta qaraxyadaan ayaa caawa aad looga maqlay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, welina dowladdu wax faah-faahin ah kama aysan bixin khasaaraha ay geysteen.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.