Faah-faahinta Askari ka howl-galay Soomaaliya oo dilay wasiir

Kampala (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Uganda ayaa toogasho ku dilay wasiiru-dowlihii wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo xiriirka warshadaha ee Uganda Charles Okello Engola, oo uu kamid ahaa ilaaladiisa.

Askarigan hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya oo lagu magacaabo Pte WIlson Sabiti ayaa waxa uu ilaalo u ahaa wasiiru-dowlaha uu dilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi Uganda.

Kaaliyaha qaaska ah ee wasiirka, Ronald Otim ayaa sidoo kale waxaa dhacdadaan kasoo gaaray dhaawac culus, iyada oo loola cararay isbitaalka Mulago, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad.

“Baaritaanka wuxuu hadda ku jira marxaladaha hore ee dib u eegista. Ma doonayno in aan ku qiyaasno sababta toogashada illaa aan xaqiijino,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Engage oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah.

Toogashadan ayaa ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaal deegaanka Kyanja ee duleedka magaalada Kampala.

Wasiirka la toogtay ayaa la sheegay in xilligaasi uu usocday inuu ka qeyb-galo fadhi ay lahaayeen Golaha Wasiirada, waxaana lasoo warinayaa in muran dhex-maray askariga ilaaladiisa kamidka ahaa ee toogashada geystay iyo wasiiru-dowlaha kahor inta aysan dhicin toogashada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in sababta keentay muranka dhexmaray labada dhinac ay salka ku haysay cabasho uu Sabitii ka muujiyay mushaar uu dhowr billood ku lahaa wasiirka la dilay.

Askarigan geystay toogashada ayaa isla goobta isku khaarijiyey kahor inta aysan imaan ciidanka Booliska, sida ay warbaahinta maxaliga ah u sheegeen goobjoogayaal.

Sabiti ayaa kamid ahaa askarta Uganda ee dhawaan laga dhoofiyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, islamarkaana kamid ahaa howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

“Sabiti oo ka soo jeeda tuulada Mubali ee degmada Kabarole ayaa waxaa la geeyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021, isaga oo qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah,” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Col Deo Akiiki, ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Akiiki  ayaa sidoo kale waxa uu qiray baahida loo qabo baaritaanno caafimaad oo maskaxeed oo badan oo askarta ah si looga fogaado dhacdooyinka la midka ah tan mustaqbalka.

“Waxaan leenahay waax hoos timaada Maamulka Sare ee Adeegyada Caafimaadka, taas oo bixisa la-talin iyo hagitaan. Laakiin haa waa inaan dadaal dheeri ah gelinaa si aan u hubinno caafimaadka askarteenna kasoo laabta meelaha dagaaladu ka socdaan, si aan uga fogaanno falalkaas laga shallayn karo.”

Si kastaba, Dhacdadan oo ay si weyn u hadal hayso warbaahinta Uganda ayaa waxay dhalisay dood xooggan oo la xiriirta in amaanka madaxda sar-sare ee dalkaasi uusan ku jirin gacan la isku haleyn karo oo amni ah, taasi oo u baahan in si deg eg ah wax looga qabto.