Soomaalidii ugu badneyd ee kasoo cararay dagaalka SUDAN oo laga dejiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Soomaalidii ugu badneyd ee kasoo cararay dagaalada ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudan, kaasi oo u dhaxeeya saraakiisha ugu sarreysa ciidanka dalkaas.

Muwaadiniinta maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa tiradooda gaareysa 137 muwaadin, kuwaasi oo isla maanta laga soo kala dejiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniintan ayaa 73 kamid ah waxaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo la keenay, halka 64 kale laga dajiyay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo-galootiga ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kusoo dhaweeyay 73 qof, kuwaasi oo kasoo degay garoonka Aadan Cadde.

Xamza Aadan Xaadoow, oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniintan, isaga oo sheegay in dowladda ay sii laban laabtay dadaaladda dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniinteeda kasoo cararaya dagaalka ka socda dalka Sudan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay kasoo gudbisay xadka ay wadaagan Sudan iyo Ethiopia ku dhawaad 1250 muwadiniin gaaraya, sida ay shaacisay ku-simaha safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Ayaan Maxamuud Sheekh oo maanta warbaahinta la hadashay.

Dowladda ayaa sidan oo kale waxay horey dalka ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, kuwaasi oo ay ka dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Ajaanibtii ugu badneyd ayaa laga daad-gureeyay Sudan, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.