Badhasaabkii Somaliland ee Buuhoodle oo ciidan iyo gaadiid dagaal la goostay

Laascaanood (Caasimada Online) – Badhasaabkii Somaliland u qaabilsanaa Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdile (Nasteex Tuur) oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, dagaalka socdana kala fikir ahaa maamulka uu hore uga tirsanaa, ayaa maanta ka goostay Somaliland.

Guddoomiye Tuur oo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa u galay SSC, isaga oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah ee Jabhadda SSC ay kula jirto ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

Gaadiidka dagaalka ee uu kala goostay Somaliland ayaa gaaraya illaa afar, kuwaasi oo guddoomiye Tuur uu ku wareejiyay SSC-Khaatumo, isaga oo si rasmi ahna u shaaciyay inuu ku biiray xooggaga deegaanka ee SSC.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadkiisa la dareen noqonayo intaa ka badana uu adkaysan kari waayey duulaanka Somaliland oo uu ku tilmaamay “xasuuq isir sifeyn ah” oo lagu hayo shacabka gobolka Sool.

Ninkan ayaa markii hore si weyn ugu ololeyn jiray rabitaanka Somaliland ee ah in magaalada Laascaanood ay qeyb ka tahay Somaliland, wuxuuna ugu magacownaa Badhasaabka Buuhoodle, isaga oo kamid ahaa masuuliyiinta ka mushaar qaata xukuumadda Somaliland.

Dhawaan unbey aheyd markii sarkaal iyo ciidan uu wato oo kasoo goostay Somaliland ay ku biireen ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dagaalka looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland ee ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.

Saraakiil kale oo ka hadlay munaasabadda lagu soo dhaweynayay ciidankaas kasoo goostay Somaliland yaa dhankooda sheegay inay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba, ayna wixii ka dambeeya ay xabad isticmaalayaan.

SSC ayaa sidoo kale waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland.

Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, waxaana gebi ahaanba fashilmay waan iyo dhex-dhexaadin lagu qaboojinayay xiisadda dagaal, oo iyadu barakicisay boqollaal kun oo qof, ayna ku waayeen boqollaal kale, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata  in dhinacyadu xabada ku joojinayaan.