Lafta-gareen oo Madaxtooyada iskugu yeeray hay’addaha amniga + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyay kulan ka dhacay Madaxtooyada maamulkaasi, kaasi oo ahaa shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed, ayna ka qeyb-galeen madaxda kala duwan ee hay’addaha amniga.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee deegaanada maamulkaasi, iyada oo lagu gorfeeyay xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga iyo dardar-gelinta howl-galada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan looga arrinsaday bilowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhank ah, kaasi oo ka bilaaban doona deegaanada maamulkaasi oo qeybo kamid ah ay weli ku harsan yihiin kooxda.

“Shaqooyinka hadda socda iyo awaamiir la xiriirta amaanka ayay dhinacyadu isku dhaafsadeen kulankaan, iyada oo madaxweyne Lafta-gareen uu ku amray in loo diyaar garoobo wejiga labaad ee dagaalka oo dhawaan ka bilaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada maamulka.

Kulanka uu shir-guddoominayay ayaa kusoo dhamaaday guul, sida lagu sheegay bayaanka Madaxtooyada, waxayna dhinacyadan ka dalbadeen bulshada reer Koonfur Galbeed inay si dhow ula shaqeeyaan hay’addaha amniga, si loo sii xoojiyo amniga deegaanadaasi.

Duulaanka cusub ee ka bilaabay maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qayb qaadan doona dadka deegaanka, oo maamulka uu abaabulay, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka ka socda dalka, ee guulaha wax ku oolka ah laga gaaray.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa ka socda guud ahaan gobollada dalka, kaasi oo wejigiisa labaad uu ka socda Gobollo ka tirsan dowlad-gobaleedyada HirShabelle iyo Galmudug, iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay deegaano dhawr ah kala wareegeen dagalaamayaasha kooxda.