‘Shabaab kadib cadowga u weyn ee Soomaaliya leedahay waa…’

Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq-maasuqa ayaa cadowga ugu weyn ee Soomaaliya leedahay marka laga soo tago Shabaab oo ah kan koowaad, waxayna dowladda si isku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka dowladnimada.

Dowladda ayaa markaan ku dhawaaqday dagaal xoog leh oo ay ku qaadeyso musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo nabadda, sida uu shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu Jimcihii  ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada waxa uu ka sheegay in dowladda ay qaadeyso tallaabooyin waaweyn oo la xiriira la-dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka ku kaca musuqa dadka qaarkood ku dhiiragaliyaan xatooyada uu sameynayo.

”Waxaa rabnaa walaalayaal, dowladdu tallabooyin ayay qaaday ay kula dirirayso masuq-maasuqa, kuwo waaweyna waa soo wadnaa, ee walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiilashay u badan tahay ee daqliga soo galaaya la garanayo ee mushaar 500 ama 700 boqol ah qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaadheer magaalada ka dhisanayo, waa amaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay, xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-Shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo bulshadu ay caadi ka dhigteen, sida uu ka dhawaajiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

” Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaas, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro, marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Si looga hortago masuq-maasuqa hay’adaha dowladda oo ay ugu horeeyaan hay’adaha garsoorka, ayaa waxay dowladda ka dhex bilowday isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.

”Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, maxkamad degmo, gobol, mid racfaan, iyo maxkamad sare,” ayuu yiri guddomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.

Si kastaba, Dagaalka ay dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray saraakiil dowladeed oo lagu eedeynayo musuq-maasuq.