Daawo: Wasaarad ka tirsan DF oo la wareegtay shan gaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa hay’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo ah nooca loo yaqaano Hardtop-ka.

Munaasabadda gawaarida lagula kala wareegayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs Maryama Maxamed Xuseen, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo Madaxda hay’adda WHO ee gobolka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa wareejintya deeqda ka hor la qaatey kulan wafdiga ka socdey hay’adda WHO, iyada oo wafdiga ay ka warbixiyeen howlahooda Soomaaliya iyo qorshahooda hortabinta u le qeybta caafimaadka Soomaaliya.

Gawaaridan ayaa qeyb ka ah qorshaha WHO ay kaga qeyb qaadanayso horumarinta caafimaadka Soomaaliya, waxaana ka guddoomay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka mahad-celiyey deeqda gawaarida ah, kuwaasi oo la filayo in ay wax badan ka caawin doonaan qeybaha loo qorsheynayo in loogu adeego.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka horumarinta caafimaadka ee dowladda

Hoos ka daawo