Sullivan oo la kulmay Bin Salman xilli ay jirto…

Jeddah (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa habeenkii Axaddii la kulmay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, xilli ay xiisad u dhaxeyso Aqalka Cad iyo Boqortooyada.

Wakaaladda Wararka Dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulanka Jake Sullivan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan uu ka dhacay magaalada Jeddah.

Warbixinta SPA ayaa lagu sheegay kaliya in labada nin ay dib u eegis ku sameeyeen “xiriirada istaraatiijigga ah” ayada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo Mareykan ah.

Goor dambe, Sullivan ayaa ka qeyb-galay kulan dhex-maray dhaxal-sugaha, la-taliyaha amniga qaranka India Ajit Doval iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Sheikh Tahnoon bin Zayed Al Nahyan.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyey kulanka, ayada oo lagu sheegay in ujeedka uu ahaa sare u qaadidda “aragtida ay wadaagaan ee Bariga Dhexe oo noqda gobol barwaaqo iyo ammaan ah kuna xiran India iyo dunida inteed kale.”

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ma baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo la xiriira kulamada.

Biden ayaa ololaha doorashada ku galay inuu cidleyn doono Sacuudi Carabiya kadib markii 2018-kii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dilay suxufi wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, Jamaal Khaashuqji.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in dilka uu ku dhacay amarka dhaxal-sugaha, inkasta oo Riyadh ay beenisay.

Si kastaba, Biden ayaa bishii July ee 2022 booqasho ku tegay Sacuudi Carabiya, ayada oo Mareykanka uu doonayey in boqortooyada ay gacan ka gaysato dhimista qiimaha tamarta kadib duulaankii Ruushka ay ku qaadeen Ukraine.

Isla waqtigaas, Biden ayaa wacad ku maray inay jiri doonaan “cawaaqibyo” ka dhasha dhimista wax soo-saarka saliidda oo ay sameeyeen dalalka OPEC+, oo ah koox ay ku jirto Russia.

VOA + AP