Fasiraad sharci ah oo laga bixiyey muranka Saciid Deni iyo mucaaradka ee dastuurka

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay muranka siyaasaddeed ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan qorshaha uu Deni ku rabo in wax ka bedel loogu sameeyo Dastuurka maamulka Puntland.

Guddoomiye Jibriil ayaa fasiraad sharci ah ka bixiyay murankaasi ka taagan wax ka beddelka dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax diidaya in wax laga bedelo dastuurka, “haddii ay timaado baahi laga marmaan ah.”

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la hadlay VOA ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dastuurka laftigiisa ay ku jiraan qoddobo aan wax ka bedel lagu sameyn karin oo u baahan in marka hore loo helo afti dadweyne iyo baarlamaank ku yimaadda codka shacabka.

“Xukuumadda sida uu qabo qoddobka 139 ee Dastuurka waa leeyihiin soo jeedinta, mar hadey timaado soo jeedinta Baarlamaanka, waxa uu leeyahay waxaa la waafajinaya faqradda labaad oo u dhigan ‘marka soo jeedinta ay soo gaarto Golaha Wakiiladda waxaa fallanqeynaya guddi gaar ah, wuxuu guddiga soo jeedinaya talo bixin uu Golaha ka doodayo oo lagu ansixinayo cod hal dheeri ah in la furo Dastuurka si wax ka bedel loogu sameeyo,” ayuu yiri.

Jibriil oo wax laga weydiiyay walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ay ka qabaan arrintaan, ayaa sheegay in uusan garaneyn arrinta wal-walka ku haysa siyaasiyiintan, islamarkaana ay u furan tahay inay cabashadooda ay u maraan wadada sharciga u ogol yahay.

“Anigu ma garan karo masuuliyiinta waxay ka wal-walsan yihiin, xaq ayay u leeyihiin in cabashadooda u soo gudbiyaan Golaha Wakiilada, oo Golahana uu 30 maalmood gudahooda kaga jawaabo cabashadooda, sidoo kale haddii ay qabaan cabasho Dastuuri ah waxaa jirta Maxkamaddii Dastuuriga ah oo Golaha ansixiyay, oo u gudbin karaan cabashadooda sharciga, kalana hadli karaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka Puntland uu arrintaan go’aan kaga gaari doono kalfadhigga bisha June u furmayo, halkaas oo guddiga loo xil-saaray kasoo talo bixinta furista dastuurka ay warbixin golaha horkeeni doonaan, taasi oo lagu go’aan qaadan doono.

Golaha Wasiirada ayaa maalintii Khamiistii lasoo dhaafay meel-mariyay in la furo dastuurka, si wax ka bedel loogu sameeyo qoddobka xisbiyada, si loo ballaariyo tirada xisbiyada kusoo baxa doorashada, si looga dhigo shan urur siyaasadeed, halka ay awal ka aheyd saddex xisbi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la sheegay in Saciid Deni uu qorshahaan ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.