Sawirro: Xiisad lamid ah mida Laascaanood oo ka qaraxday BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta dibad-baxyo rabshada wata ay ka ka dhaceen gudaha magaaladaas oo hoostagta Somaliland.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaaladaasi, waxayna kasoo horjeedeen dilkii loo geystay marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.

Dibadxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in tiirka la geeyo askarigii ka dambbeeyay falkaasi oo ay shalay xukun dil ah ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar, waxaan falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibadbaxyo waa weyn oo haatan ka billowday Boorama.

Sidoo kale dadweynaha reer Boorama ayaa ku dooday in aysan joojin doonin banaan-baxooda ilaa inta laga fulinayo xukunka dilka ah ee lagu ridday Dable Axmed Cabdi.

Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Mar la’is barbar dhigo rabshadahaan iyo kuwii horay uga dhacay Laascaanood ayaa isku mid ah waxayna ka wada bilowdeen kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalooyinkaasi, laakiin mida magaalada Laascaanood ayaa isku bedashay gacan ka hadal & dagaal toos ah.

Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gaystaan askarta Somaliland dhexdooda, waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkamadda ciidamada.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is biirsaday, sida colaadda Laascaanood iyo muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi.