25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Faah-faahinta dagaal culus oo ciidanka Jubaland ay la…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Jubaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi, waxaana kadib xigay iska horimaad toos ah oo dhex-maray ciidamada iyo ragga weerarka qaaday.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka, isla markaana ay khasaare gaarsiiyee maleeshiyaadka Al-Shabaab ee kusoo duulay.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana meelaha lagu dagaalamay ay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxaana baraha bulshada ay ku shaacisay in khasaare lixaadleh ay gaarsiisay ciidanka Jubaland.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana adag isgaarsiinta deegaanka lagu dagaalamay oo aad uga fog magaalada Kismaayo.

Marar badan ayaa labada dhinac ay ku dagaalameen aagga Kismaayo, halkaas oo ay howlgallo ka wadaan ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa weli ku xooggan gobollada Jubbooyinka, waxayna kasoo abaabuushaa weeraro arbushaad ah oo ay ku ekeyso xerooyinka ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News