Faah-faahinta dil argagax leh oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo maanta laba qof oo shacab ahaa loogu gaystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay waaxda Kurdamac ee degmada Dayniile, halkaas oo lagu laba marxuum oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiuur Sandheere oo loo yaqiinay (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahu Cismaan Shidane, waxaana dilay nin kale oo magaciisa lagu sheegay Axmed Cismaan Geelle oo goobta isaga baxday.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Dayniile oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dilka labada ruux, wuxuuna sheegay inay tageen goonta uu ka dhacay.

“Maanta waxaa halkan ka dhacay shil, waxaana lagu dilay laba marxuum Allaha u naxariisto, haddii aan maamulka nahay aad ayaan uga xunahay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in falkan argagaxa leh uu ka dhashay muranka dhul dhaxaltooyo ah oo ay isku haysteen labad nin ee la dilay iyo ninka wax dilay.

Waxaa kale oo uu xusay in maamulka iyo laamaha amniga ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo ay ku baadi goobayaan eedeysanaha oo goobta ka baxsaday, kadib dhacdada.

“Wuxuu dilka ka dhashay muranka dhul dhaxaltooyo ah oo maalmahanba taagnaa nin ka tirsan dhaxaltooyada oo hub haystay ninkaas ayaa waxa uu sameeyay fal argagax leh, wuxuuna dilay laba qof oo shacab ah, waana ku daba jirnaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka jira murano la xiriira dhulalka, waxaana badanaa ka dhasha isku dhacyo sababa dhimasho iyo dhaawac.