Faah-faahinta dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil wiil dhalinyaro ahaa maanta loogu geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilkan oo uu fuliyey askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Control Afgooye, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal.

Askariga iyo marxuumka la dilay oo ahaa wade mootada nooca labo lugooleyda ah ayaa yimid, kadib markii uu soo kala dhex-galay muran sababay in rasaas loo adeegsday darawalka geeriyooday.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liiban Abeesow, wuxuuna ka mid ah darawallada mootooyinka ka shaqeeya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in goor dambe ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey baaritaano kooban.

Illaa iyo haddana jiro wax hadal ah oo ay saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya ka soo saareen toogashadaasi iyo sidoo kale baaritaanada ka dambeeyey.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa inta badan dilal ka geysta caasimada, iyada oo inta badan ay dhibaatada soo gaarto dhalinyarada ka shaqeeya mootooyinka.