Daawo: Odayaasha Hawiye oo jawaab kulu ka bixiyey hadalkii ugaaska Mareexaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cali Xaashi Ugaas, Abwaan Bedel Jaamac iyo Nabadoon Axmed Maxamed Culusow oo u hadlay beelaha Hawiye ayaa aad ugu dhaleeceeyay hadal dhawaan uu jeediyay Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed-Weli Sheekh Axmed Nuur.

Ugaas Maxamed-Weli ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay in dowladdii Maxamed Siyaad Barre kadib aysan dalka soo marin dowlad lamid ah tan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Odayaasha Hawiye ayaa Ugaas Maxamed Weli ku tilmaamay qabyaaladiiste, iyagoo sheegay in hadalkiisii ay ka raali gelinayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladihii tan ka horeeyay.

Ugaas Cali Xaashi Ugaas ayaa yiri, “Waxaan aad uga xumahay magaca ugaasnimada ee ninkaasi uu sheeganayo, waxaan hadda ka hor arkeynay dood uu ka qeyb galay, isagoo qalad weyn ka galay dadka gobolka Banaadir, oo hadana leh waxaan ka bixinayaa raali gelin qaladkii iga dhacay, tan hadda waxa uu ka galay dhamaan umadda Soomaaliyeed.”

“Qof walba waxa uu qabtay xusuusta ayaa qori doonta Ugaas Maxamed Weli waxa uu yiri maxaabiis ayaa la soo daayey waa run, balse ninkii soo daayey waxa uu ahaa Xasan Cali Kheyre, deyn cafinbuu sheegay, waxaana ka shaqeysay xukuumadii Kheyre, marka waxaan ku leenahay hadhaamin magaca ugaasnimada, kan masuuliyiinta iyo kan umadda Soomaaliyeed intaba,” ayuu yiri Ugaas Cali oo fariintan u diray Ugaas Maxamed Weli.

Abwaan Bedel Jaamac ayaa isna sheegay in Ugaas Maxamed Weli dartiis aysan u caayeyn madaxweynayaasha uu amaanay ee Maxamed Siyaad iyo Maxamed Farmaajo.

“Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre dowlad dimuquraadi ah oo cod ku timid oo shacabku soo doorteen ayuu dhexda qabsaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxa uu isna dhexda qabsaday dowlad loosoo doortay oo si cad loogu wareejiyay, waan ognahay in madaxweynayaal kale ay dalka soo maamuleen, kuwaas oo Maxamed Siyaad maahee inta kale la soo doortay, Farmaajana maanta codkii uu ku yimid ayuu ku baxayaa,  marka ninkaas waa qabyaaladeyste, dartiisana dadka uu amaanay u caayi meyno,” ayuu yiri Abwaan Bedel Jaamac.

Nabadoon Axmed Maxamed Culusow ayaa dhankiisa sheegay in warka Ugaas Maxamed Weli uu u mooqdo mid saaxada siyaasadda looga saarayo madaxweyne Farmaajo.

“Waxa Maxamed Weli kasoo yeeray waa wax lagu ijaafeynaayo Soomaalida, waxaan leenahay warkaas waa mid nin aan xil kas aheyn ka soo yeeray, Madaxweyne Farmaajo waxaan leenahay waxaa jira nin aad moodeyso inuu kuu roonaanayo, balse ku raacdeynaya, warka Ugaas Maxamed Weli waa war u muuqda mid saaxada siyaasadda lagaaga saarayo,” ayuu yiri Nabadoon Axmed Maxamed Culusow.

Hoos ka Daawo