Xog: HESHIIS laga gaaray dood ka taagneyed dhismaha golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usoo dhowaaneysa ku dhawaaqista Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya kadib ee laga filayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo qaadatay waqti ka badan intii la filayey.

Magacaabistan ayaa waxaa dhowr mar dib u dhigay awood qeybsiga madaxda ugu sarreysa dowladda oo mid walba uu wato xubno gaar ah.

Doodda magacaabista wasiirada cusub ayaa u dhaxeysa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirar is daba joog ah xalay ku yeeshay Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana looga hadlayay magacaabida Golaha Wasiiradda oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in markii dambe la isku raacay in soo xulista Golaha Wasiirada loo qeybiyo afar qof, kuwaas oo kala ah.

1) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo soo xuli doono wasiirada ka imaanaya beeshiisa.

2) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo soo xuli doono wasiirada ka imanaya beesha uu matalo.

3) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo soo xuli doono wasiirada ka soo galaya beeshiisa iyo

4) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo kaashanaya taliyaha NISA oo iyagana soo xuli doono wasiirada ka soo gala beesha ay ka soo jeedaan ama shanaad.

Dhamaan dadkan ayaa laga rabaa in ay soo xulaan wasiirada, wasiiro ku xigeenka iyo wasiiru-dowliyaasha waxaana la sheegay in howshaan lagu qaban doono 48 saac ugu dambeyn. Wararka qaar ayaa sheegaya in caawa ay suurtagal tahay in lagu dhawaaqo wasiirada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la sheegay inuu wajahayo cadaadis badan iyo madaxbanaani la’aan oo uga imaaneysa masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya oo qaarkood miisaan culus ku dhax-leh siyaasadda Soomaaliya.