QM oo maanta soo saartay war la xiriira qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambasador James Swan ayaa looga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta oo kale saddex sano ka hor ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya ay xasuusan yihiin dhibaatadii xooganeyd ee shacabka ka soo gaartay qaraxaasi oo noqday inta la’ogyahay kii ugu xooganaa ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.

“Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga QM.

Warka ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in kadib qaraxii Zoobe ay dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen adkeysi, islamarkaana ay ku tallaabsadeen horumar dhinac kasta leh.

“Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh.” ayaa markale lagu yiri warbixinta.

Saddex sano kadib, gaar ahaan 14-kii October sanadkii 2017-kii dadka Soomaaliyeed ayaa weli xasuusan wixii ka dhacay igosyka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ay ku dhinteen illaa 600 oo qof, kuna dhaawacmeen tiro kor u dhaafeyso illaa kun ruux oo u badan dad rayid ah.