25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Faah-faahinta duqeymo iyo dagaal ka dhacay Calmiskaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inay la wareegeen dhul buuraley ah oo ku yaalla gobolka Bari, kadib markii ay dagaal toos ah iyo duqeymo xooggan ku qaadeen maleeshiyada Daacish ee halkaasi ku sugneyd.

Howl-galkan culus oo socday tan aroornimadii hore ee saaka waxay ku burburiyeen difaacyo adag oo maleeshiyaadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade oo dhinaca Koonfur Bari ka xiga Boosaaso.

War kasoo baxay taliska ciidanka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland dagaalkii maanta ku dileen dagaallamayaal ka tirsanaa kooxda.

“Ciidamada ayaa weli ku baacsanaya firxadka baxsaday goobihii hawl-galka ka dhacay, kuwaasi oo marba god laga saarayo,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska ciidanka Puntland.

Howl-galkan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa dharinta Carabi iyo Kal-idaad oo ka wada tirsan togga Baallade. Howl-galladan ayaa socday 12-kii saac ee u dambeeyay, sida uu sheegay taliska.

Dhinaca kale, Ciidamada Puntland ayaa isla maanta howl-gal kale oo ay ka sameeyeen ceelasha Aleelooyin ee buuraha Calmiskaad ku dilay xubno ka tirsan kooxda.

Xubnahan ayaa la sheegay inay ka firxadeen hawl-galkii Baallade, waxaana ciidamadu gacanta ku dhigeen ceelashii labada Aleelo oo ay ka nadiifiyeen maleeshiyaadka kooxda.

Puntland ayaa dhawaan kordhisay tirada ciidamada Daraawiishta ee ku sugan Gobolka Bari, iyada oo ujeedadu tahay in gebi ahaanba looga saaro Daacish deegaannada ay weli kaga sugan yihiin buuraleyda gobolkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News