24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

DF oo dalab yaab leh oo ka dhan ah mucaaradka iyo Puntland u gudbisay W/Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Waqooyi Bari ka dalbatay inay mucaaradka ka difaacaan dowladda dhexe, xilli uu meel adag marayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo muddooyinkii dambe magaalada Laascaanood ugu sugnaa dhameystirka dhismaha maamulka Waqooyi Bari ayaa hoggaanka maamulka u soo jeediyay in ay mucaaradka Muqdisho iyo deriskooda uga filnaadan dowladda, gaar ahaan mucaaradada laga abaabulayo Puntland.

“Xamar mucaaradad ayaa ka socota, mucaaradadaas agtiina ayay imaaneysa oo deegaanadii aad ehelka aheydeen ayaa looga durbaan tumanayaa. Halkana waxaa imaan doontaa umadda Soomaaliyeed masaalixdeeda inta ka talinaysa ayaa imaan doonta oo Federaalka ah, iyadana u diyaar garoobo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka ayaa sidoo kale si duur xul ah hoggaanka maamulka Waqooyi Bari iyo shacabkiisa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan duullaan kasta oo uga imaan kara dhanka Somaliland, oo ayadu weli ku doodeysa in Laascaanood iyo dhulka Sool ay qeyb ka yihiin maamulkeeda.

“Waxaad kaloo u diyaar garowdaan agagaarkeena mucaaradada magaca Soomaaliyeed ka xun imaan doonta wixii idinkaga beegan inaad ka tiraahdan hadduu Ilaahay yiraahdo,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminya 5-ta ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari. Dowladda dhexe ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News